Tallooyinkii kugu caawin lahaa sidii aad ugu soo adeegan laheed si fiican, caafimaad leh iyo qiimo jaban.
- Mar walba warqad ku qoro adeega.
- Soo gado kaliya waxaad runtii u baahan tahay
- Isticmaal cuntada harto ka dibna markale ka dhigo cunto kaamil ah
- Ha aadin adeeg adigoo baahan.
- Iska jir: Gaariyaasha adeega ee waaweyn waxey kalifaan inaad soo iibsato in kabadan intaat u baahan tahay
- Kasoo gado wax badan raashiiin waqti badan aali karo.
- Soo gado raashiinka fereshka ah ama wax yar lasoo sanceeyay
- Raashiinka aan la shaqayn ama wax yar lasoo sanceeyay ee raqiiska ah waxey noqon karaan mar mar kuwo fiican iyo badal raqiis ah
- Ka fagow raashiinka gaarka u ah caruurta ee qaaliga ah.
- Ku keedso cuntada meesha ku haboon.
- Fiiri raashiinka kor ama hoos ku raseesan, maxaa yeelay kuwaasi waa kuwa raqiiska ah. Kuwa kowda ishaada ku dhaceeso waa kuwa qaaliga ah
- Iska fiiri xermada isna barbardhig intuu qiimaha kiilada, 100kii garam ama Litarkii uu yahay.
- Baakada raashiinka la furay si fiican u xer ama weel ku shubo (aluminiyum lama rabo).
War bixino kale:
Kaydinta raashiinka
www.gggessen.ch
Ku saabsan adeega iyo raasshiinka
www.sge-ssn.ch
Ku saabsan su’aalaha macaamiisha
www.konsumentenschutz.ch
Ku saabsan su’aalaha qorsheenta lacagta
www.budgetberatung.ch
www.caritas-schuldenberatung.ch
www.skos.ch
Ku saabsan is barbar dhiga qiimooyinka
www.comparis.ch
www.preisvergleich.ch
www.toppreise.ch
www.heschnocash.ch
Ku saabsan su’aalaha horumarinta caafimaadka
www.gesundheitsfoerderung.ch
Macluumaadka caafimaadka oo lagu tarjumay luqado badan
www.migesplus.ch
PDF
Warqadaan sameenteeda waxaa qibrad iyo dhaqaale ku caawiyay Gesundheitsförderung Schweiz, Stiftung für Konsumentenschutz, Femmes-Tische Schweiz iyo www.migesplus.ch – macluumaadka caafimaadka
Bern/Zürich 2019